Gudoomiyaha Dhallinyarada Hiiraan oo Agab Isboorti gaarsiisay Baladweyne(Sawirro)

Dhallinyarada Magaalada Baladweyne oo guddoomay qalab Isboorti oo ay gaarsiisay Gudoomiye Muna Axla

0
742

May 9, 2016, Baladweyn(FMN)–Muna Xasan, Gudoomiyaha dhallinyarada Hiiraan, oo Baladweyne gaartay maalinnimadii shalay 8-may, iyada oo ay safarkeeda ku wehliyaan qaybta arrimaha bulshada ee Midawga Afrika, ayaa dhallinyaraa gobbolka guddoon siisay agab isboorti.

Xubnaha ururka ee Baladweyne, ayaa ka mahad naqay qalabkan isboorti ee lasoo gaarsiiyay, iyaga oo xusay in ay uga faa’idayn doonaan sidii loogu igmaday.

Dhawaanahan waxaa ka soconayay xarunta Gobolka Hiiraan, ee Baladweyne cayaaro lagu xoojinayo is dhaxgalka dhallinyarada, kuwaas oo ay qabteen Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan.

Waxaa kale oo ay Gudoomiye Muna Axlaa, iyo wafdiga Midawga Afrika, soo daah fureen xarumo dhallaanka iyo hooyada oo ku kala yaalla xaafadaha Hawl wadadaag iyo Kooshin.

Gudoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan, Muna Axlaa oo socdaalkeeda kadib la hadashay warbaahinta, ayaa ballanq aadday in ay laba laabayaan adeegga ay u hayaan shacabka Gobolka.

Xuseen Madoobe

Fiidoow Media