Horyaalka Britain oo soo dhammaaday

0
579

May 16, 2016, Muqdisho(FMN)–Kooxda Manchester City ayaa xajisatay kaalinta 4-aad ee horyaalka Ingiriiska, ka dib markii ay barbaro 1-1 ah isla dhaafi waayeen kooxda Swansea.

Waxaa kaalintaasi ku garbineysay Manchester United oo uu baaqday kulankii ay la yeelan lahayd Bournemouth, ka dib markii qalab bambo looga shakiyay lagu arkay gudaha garoonkeeda Old Trafford, balse markii dambe la sheegay in aanu bam ahayn.

Man United ayaa hadda u baahan in ay 19-0 kaga adkaato Bournemouth si ay kaalinta afaraad uga tuurto Man City, oo hadda isu diyaarineysa ka qeybgalka horyaalka Yurub ee soo socda.

Kooxda Southampton ayaa usoo baxday tartanka Europa League ee xilli ciyaareedka soo socda, ka dib markii ay 4-1 kaga adkaatay Crystal Palace.

Guuldaradii 2-1 ahayd ee West Ham kasoo gaartay kooxda Stoke, ayaa ka dhigan in aanay soo gaari karin Southampton.

Kooxda Arsenal-na waxa ay xilli ciyaareedkan ku dhamaysatay kaalinta 2-aad, ka dib guushii 4-0 ahayd ee ay ka gaartay Aston Villa.

Tottenham oo kaalinta labaad fadhiday ayaa waxaa 5-1 kaga badisay kooxda horyaalka ka hartay ee Newcastle, waxaana sidaasi ay Tottenham ugu dagtay kaalinta 3-aad.

Tani ayaa ka dhigan in Tottenham aanay ka hormarin Arsenal tan iyo sanadkii 1995-tii.