Jose Mouriinho oo Noqday Tababaraha cusub ee Manchester United

0
575

May 27, 2016, Muqdisho(FMN)–Tababare Jose Mourinho ayaa si rasmi ah loogu magacaabay maanta shaqada tababarenimo ee kooxda Manchester United isagoo bedelayo tababare Louis van Gaal.

Wadahadalo muddo saddex maalin ah u socday wakiilka Mournho  ninka lagu magacaabo Jorge Mendes iyo saraakiil sare oo ka tirsan Manchester ayaa ugu danbeyntii waxaa kasoo baxay heshiis uu Mourinho ku ogolaaday in uu qabto kooxda Shayaadiinta Cascas.

Tababarahan 53 jirka reer Portugal ayaa horay usoo tababaray kooxaha Porto, Chelsea, Inter Milan iyo Real Madrid oo uu dhamaantood koobab kala duwan usoo qaaday.

Anas Aaran

Fiidoow Media