Tababaraha Qaranka Ingiriiska oo xilka isaga dagay

0
544

June 28, 2016, London(FMN)–Tababaraha xulka England Roy Hodgson ayaa xalay iscasilay kaddib markii Iceland uga awood roonaatay  2-1

Waxayna Ingiriisku xaqiijiyeen ka haritaankooda cayaaraha Euro 2016

Macallinka oo 68-sano jir ah waxa uu xilka la wareegay afar sano ka hor, wuxuuna badalay Fabio Capello oo Taliyaaniga u dhashay.

Mudadii uu xilkaasi yahayna waxa uu guuleystay 11 ciyaarood oo kamid ah tartamada caalamiga ah.

Iceland – waa mid kamid ah kooxaha ugu hooseeya ee Yurub. Shacabkeedana waxaa lagu qiyaasaa 330,000.

Hodgson ayaa sheegay in la joogo xilli tababare cusub loo qoro xulka qaranka ee England.

Waa markii ugu horeysay Oo Xulka Iceland ayEngalnd ka reebaan Tartan nuucan oo kale Caalami ah.

Anas Aaran

Fiidoow Media