Gudoomiye Muna Axlaa oo Muqdisho Ku Soo dhawaysay Cayaartoyda Hiiraan ee ka qaybgalaya Tartanka Gobollada

0
586

July 14, 2016, Muqdisho(FMN)–Waxaa Muqdisho soo gaaray Kooxda ku matalaysa Magaca Hiiraan oo ka qaybgalaysa Cayaaraha Gobollada dalka, oo Galabka Jimcaha ka furmaya Muqdisho, iyada oo cayaartoydan laga soo kala qaaday Degmooyinka Gobolka.

Mun Axlaa, oo ah Gudoomiyaha Dhallinyarada G Hiiraan, oo warbaahinta kula hadashay Garoonka Muqdisho ayaa sheegtay in ay bogaadinayso cayaaraha Muqdisho ka dhacaya ee u dhaxeeya Gobollada dalka.

”Waxa aan Hiiraan ahaan la midaysannahay Sh Dhexe oo ayagana soo gaaraya saacadaha soo socda Muqdisho, si aan u matalno magaca 2-da Gobol, waxa aan u sheegayaa dadka cayaaraha siyaasadaynaya in Sports ku uusan lahayn qabiil iyo Siyaasad”. Ayay tiri Muna Xasan oo ah Gudoomiyaha Dhallinyarada Hiiraan.

Waxaa maalinti Khamiista Baladweyne ka hadlay oday dhaqameed sheegay in aysan matalin cayaartoyda xamar uga qaybgalaysa Cayaaraha Kubadda cagta ee Maamul Gooboleedyada Soomaaliya.

Ugu danbeyn Gudoomiye Muna Axlaa, waxa ay baaq u dirtay Shacabka reer Hiiraan iyo Sh Dhexe, in ay taageeraan xulka ku cayaaraya Magacooda, ayna iskaga tagan dadka caadaystay in wax walbaa la siyaadeeyo, odyaashana ay ixtiraam u muujiyaan Dhallinyarada Sports ka maadaama ay cayaaruhu nabadda ka qayb yihiin.

Fiidoow Media