Lahaanshaha Fikradda Iphone oo Lagu Haysto Shirkadda Apple

0
730

July 4, 2016, California(FMN)–Nin sheegay in 24 sano ka hor hindisay fikradda Mobilka Iphone, ayaa dacwad ka gudbiyay Shirkadda American ka ah ee Apple, ee soo saarta Telfoonnada caaqilka ah, isagoo dalbaday 10 Bilyan oo dollarka maraykan ah, mag dhaw ahaan.

Thomas Ross  ayaa maxkamadda u sheegay in Apple ay xaday xuquudiisa fikir ee

Thomas Ross waxa uu soo gudbiyay naqshadihii uu sameeyay 24 sano ka hor ee Apple ay ka koobi garaysay-Fiidoow Media
Thomas Ross waxa uu soo gudbiyay naqshadihii uu sameeyay 24 sano ka hor ee Apple ay ka koobi garaysay-Fiidoow Media

unkidda Iphone, isagoo sheegay in sannadkii 1992, uu hal abuuray fikradda Iphone.

Intii u dhaxaysay May 1992, September 1992 ayuu sawiray naqshado seddex ah oo u eg Iphone, isagoo dacwaddiisan u keenay caddaymo sawir ah.

Thomas Ross  waxa uu sheeganayaa 1.5% qiimaha ay iibisay shirkadda Apple inuu xaq ahaan u leeyahay isaga, welina dacwadda si dhammaystiran looma qaadin, iyada oo ka yaabisay dadyowga dunida.

Adeegga uu hindisay Thomas Ross ayaa u hirgali waayay dhaqaale xumo awgeed, kadib markii uu iska bixin waayay lacagaha adeegyada cusub lagu qoro ee US.

 Khaalid Cilmi

 

Fiidoow Media Network Facebook Page