SAWIRRO: Banaadir iyo Puntland Bareejo 2:2 Cayaaraha Maamullada Dalka ee Banaadir Stadium

0
540

July 19, 2016, Muqdisho(FMN)–Cayaaraha Maamul Goboleedyada Dalka ayaa ka soconaya Garoonka Banadir Stadium(Koonis), iyada oo cayaartii  la wada sugayay ay galabta kusoo idlaaay bar barro laba iyo laba ah.

Kaambiyadi hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu ka nastay 1-0 oo hogaanka ay ku haysay kooxda Puntland, hase ahaatee qeybtii labaad ayaa labada kooxood waxay muujiyeen dedaal fara badan oo koox walba ay ku dooneysay iney kaga guuleysato mida kale balse ma dhicin, waxayna ku soo idlaatay ciyaartan barbaro 2-2 ah.

 

 

 

 

 

Guruub A oo ay ku wada jireen sadexda kooxood ee kala ah Banaadir, Puntland iyo Koonfur galbeed, waxaana wareega labaad u soo gudbay Banaadir iyo Puntland oo min afar dhibcood urusaday, halka kooxda Koonfur galbeed oo aan dhibco heysan ay ka hartay tartanka, maadaama laga badiyey labadii kulan ee ay safteen.

Fiidoow Media