SAWIRRO: Hiiraan&Sh Dhexe oo Tartanka ka Quusiyay Galmudug

0
587

July 20, 2016, Muqdisho(FMN)–Galabnimadii Arbacada waxaa cayaar adag Banadir Stadium ku dhex martay kooxaha Galmudug iyo Hiiraan&Sh Dhexe, iyada oo la quusiyay Galmudug oo gabi ahaan isaga hartay Tartanka Maamullada Dalka.

Xidigga Madaxeey ayaa goolka guusha daqiiqaddii u danbeysay ee waqtiga dheeriga u dhaliyay Hiiraan iyo Sh Dhexe.

Hiiraan&Sh Dhexe oo Lix dhibcood ku hogaaminaya Group kooda waxa ay wajahi doonaan Xulka Maamulka Puntland oo afar dhibcood kaalinta labaad uga jura Group kiisa.

Sidoo kale Waxaa Wada dheeli doona Semi Finalka koobka ismaamul Goboleedyada ee ka socda Muqdisho Xulalka kala Matalaya Banaadir iyo Juballnad.

Maamullada K/Galbeed iyo Galmudug ayaa gabi ahaan isaga huleelay Tartanka Kubadda cagta ee ka socda Garoonka Koonis e Muqdisho.