Tartanka Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo Furmay iyo Banaadir oo K/Galbeed ku garaacday 5 iyo waxba

0
515

July 15, 2016, Muqdisho(FMN)–Bur burkii dalka ka dib, waxaa dib loo bilaabay markii ugu horreysay cayaaraha Gobollada, walaw hadda lgu cayaarayo qaab Maamullada Federaalka ah, iyada oo loo qeybiyay laba Group ookala ah A iyo B.
Guruub-A

Puntland
Banaadir
Koonfur Galbeed.

Guruub B.

Jubbland.
Galmudug
Shabellaha dhexe/Hiiraan.

Kooxda gobolka Banaadir & Kooxda Koonfur Galbeed ayaa fooda isku daray ciyaartii furitaanka tartankan, waxayna soo bandhigeen ciyaar aad u xiise badan oo raali gelisay kumanaan dadweyne oo soo camiray garoonka, iyadoo ciyaarahan toos looga daawanayey qaar ka mid ah baraha xiriirka bulshada sida facebook.
Sagaashankii daqiiqo ee loogu talo galay ciyaartan ayaa ku soo dhamaatay 5-0 oo guushu ay ku raacday kooxdii ku ciyaareysay magaca gobolka Banaadir.
1-1-620x413
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in gobolka banaadir uu martigeliyo tartankan oo uu xusay inuu qeyb ka qaadanayo isdhexgalka bulshooyinka ku dhaqan gobolada dalka.