USA: Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga oo la kulmaysa dhac xagga Internet ka ah

0
502

August 1, 2016, Muqdisho(FMN)–Iyada oo dunida maanta ah ay ku badanayaan jabsashada cinwaannada dadka caanka ah, ayaa weeraro xagga Internet ka ah waxaa la kulmaya si is xig xigta Haweeneysa u sharaxan madaxnimada Maraykanka ee Hillary.

Murashaxa madaxtinimada dalka Maraykanka u metelaysa Xisbiga Dimoqraaddiga Hillary Clinton, ayaa laga jabsaday cinwaanno ay ku kaydsan jirtay macluumaad sir ah oo ay ka mid yihiin kuwo ku saabsanaa xogaha ololaha doorashada Madaxweyne-nimada ee dalkaasi.

Kooxaha u dhaca xogaha Computerrada ee hackers-ka, ayaa la sheegayaa inay maalmahanba wadeen weerarro is daba joog ah oo lagu ugaarsanayo waaxaha kala duwan ee Xisbiga Dimoqraadiga.

Dowladda Maraykanka ayaa Burcaddan u dhacda Emaillada waxay ku tilmaantay kuwo xiriir la leh Ruushka.

Asaasaha WikiLeaks, Julian Assange, ayaa CNN-ka u sheegay inay dhacdadani tahay loollan ka dhaxeeya labada xisbi ee ku tartamaya qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Maraykanka.

Wuxuuse intaa raaciyay Mr;Assange inay hayaan macluumaad badan oo la xiriira ololaha doorashooyinka ee Clinton.