HP oo ibsanaysa Daabacadda Samsung

0
448

September 12, 2016, Muqdisho(FMN)–Shirkadda kombuterada ee Maraykanka ee HP ayaa heshiis la gashay Samsung si ay ula wareegto ganacsigeeda daabicida oo qiimahiisu dhan yahay $1bilyan

HP ayaa sheegtay in heshiiska uu caawin doono maalgalin dib loogu habaynayo ganacsiga daabicida, oo guud ahaan qiimahiisu dhan yahay $55 bilyan oo aan mudo badan lagu samayn dib u habayn.

HP INC, ayaa sheegtay in mashiinada daabicida ay duqoobeen, oo ay yihiin wax adag sida loo fahmo oo leh dhowr qaybo oo u baahan adeegyo lagu hagaajio oo aan fiicnayn marka ay shaqayn waayaan.

Waxay sheegtay in macaamiisha ay mar walba aysan ku faraxsanayn mashiino aan shaqaynayn, heshiiskana uu caawin doono HP inay ku maalgaliso teknoolajiyad casri ah.