Dhoollacaddeynta: CIBAADO iyo CAAFIMAAD

0
508

Beriga 7 October, waa Maalinta “Dhoollacaddaynta” Dunida, oo la asteeyay 1999, iyada oo lagu sharfay naqshadeeyahii Amerikaanka ahaa ee Harvey Ball, oo dhintay 2001, kaas oo 1963 Daabacay “Fool Dhoollacaddeynaya” oo loo qaatay Muuqii 1-aad ee dunidan la sawiro isaga oo dhool birka muujinaya.

Diinteenna Islaamka, Dhoolla caddeyntu waa Sunno aan uga dayanayno Ergaygii Ilaahay Muxammad Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee, Dhoolla caddeyntaan uu na faray si aan Kalgacayl u faafinno annaga oo dhambaalka wanaagsan isku gudbinayana.

Dhoolla caddeyntu waa Caafimaad oo waa Cibaado Suubban:

Aqoonta kasmo nafeedka, Dhoolla caddeyntu waa: Hannaan warcelineed la falgalaya deegaanka ku hareeraysan, kaas oo caafimaad ahaan qeexidduusu tahay, murqada mamula dhaq dhaqaaqa foolka oo lakala fidiyo, illa agagaarka Bushimaha.

Waa laysku daartaa, oo lays qaadsiiyaa:

Ma qiyaasi kartaa, sida uu qof wajigiis isku badalayo marka aad u dhoolla caddayso? Waa wax aan wada hubno isbaddalkaas, iyo dhaq dhaqaaqa wajiga qofka oo durba rogma.

Qaybta dareen wadka jirka ee maamusha dhaq dhaqaqa Murqadaha foolka waxa ay durba sameeyaan war celin dag dag ah marka ay arkaan fool kale oo dhoolla caddeynaya.

 

 

Xadiis uu warinayo Abuu Dar l Qafaari, Eebbe raalli ha ka ahaadee, uuna Bukhaari ku dhigay Kutubkiisa “Al Adab Al Mufrad” ayaa dhahaya:”Walaalkaa oo aad u dhoolla caddeysaa waa kuu sadaqo, Samaha ood fartaahi waa kuu sadaqo, xumaha oo aad ka rebtaayi wa kuu sadaqo……..”

 

  • Caafimaad ahaan, daraasado badan ayay baarayashu isku raaceen hannaanka ay dhoolla caddeyntu u kasbanayso laabta dadka kale, mararka qaar farxadana waxay daaweeysaa in badan oo cuduru ah haba ugu weynaado garaaca wadnaha.
  • Marka aad u dhoola cadaynayso dadka warbixinada waxaa ku gaarsiin kartaa si fudud kalamadaha xanbaarsan dhoola cadaynta raad weeyn ayay ku leeyihiin maskaxda waxaana cadeesay arinkaas MRI
    Meelo badan way khilaafeysa markey xogta ama war bixinta  xanbaarsan tahay dhoola cadayn, qalabkaasna meelo badan ayuu door kaga leeyahay maskaxda isagoo ka badalan hadba nooca dhoola cadeynata kuwaas o bad badalyo xogtaas.
  • Dhoola cadaynta wanaagsan waxay  kuu suura galinayaa in aad ka fogaato wax walwal ah walwalkaasoo ku istaajinaayo meelo qaar taana waa waxa aysan sameeyn karin lacagta meeshaan waxaan ka heleeynaa lacagta in ay ka fiican tahay dhoola cadaynta / dhoola cadaynta in ay ka fiican tahay lacagta oo waxaa fiican dhoola cadaynta, sidaa darteed waxa aad siin karto dadka kale waa dhoola cadaynta dhabta ah. waxaa shaki ku jirin in aad darento waana waxa la’isa siiyo kan ugu fiican.
  • Dhoola cadeynta iyo caafimadka: waxey arkeen dhaqaatiir badan saameynta ay dhoolacadeynta ku leedahay caafimaadka, tan xigta waxey bilaabeen qaar ka mid ah baarayaasha si muuqata in dhoolacadeynta dhaqtarka ay ka mid tahay daaweynta! Hadaba markaad saaxiibkaa u dhoola cadeyso ama xaaskaada ama dariskaada waxaad u gudbineysaa iney tahay tilmaam ah qalbi wanaag adiga oonan dareemin, kani ne waa qaab ka mid ah qaababka siismada.
    Sababahaan iyo kuwa kale ayay dhoolacadynta u noqotay nooc kamid ah noocyada isa siinta sadaqada,iyo sharafta.

W/Q:-Khaalid Cilmi Nuur-Jees

Nuurjees@gmail.com


Fiidoow Media masuul kama aha aragtiyaha ku xariiqan Degelka, hadba Qoraaga ku saxiixan ayaa leh eed iyo ammaanba.