Wajiga 2-aad ee Doorashada Xildhibaannada Koofur Galbeed iyo galmudug oo dib u dhacay

0
414

November 15, 2016, Cadaado(FMN)–Waxaa soo badnaay dacwooyinka ku aaddan cidda ku tartamasya kuraasta jufooyinka qaar oo leh 3 xildhibaan iyo wixii ka abdan oo ka biyo diiddan in kursi gaar ah ay haweenka kali ah ku baratamaan.

Waxaa si rasmi ah u dib dhacay kurasta aqalka hoose ee Baydhaba iyo Cadaado oo wajiga labaad gal lahaa, maadaama ay jiraan dacwooyin loo gudbiyay guddiga khilaafaadka doorashooyinka, oo aan weli la xalinin.

Guddiga doorashooyinka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sababta dib u dahca ku sheegay muranno xagga ergada ah oo soo badnaya, maadaama Ergo aan jirin la xareeyay beelaha qaar.

Doorashooyinka Dadban

Gudiga Doorashooyinka dadban ee Galmudug
Gudiga Doorashooyinka dadban ee Galmudug

Dhanka Koofur Galbeed waxaa iyana la hakiyay doorashada 20 xubnood oo aqalka hoose ah, waxaana u badan xubnaha Sh Hoose ka imanaya, kwuaas oo doodo xagga Musharixiinta kuraasta ah dartood loo hakiyay.

Doorashada Madaxweynaha dalka ayaa horay loo qorsheeyay inay dhacdo soddonka bishan november, waxaana kal hore laba jeer dib u dhacay Jadwalka doorashada dadban ee heer Qaran.

Sidoo kale guddoonka Baarlamaanka oo doorashadisa lagu wado inay dhacdo 23 November ayaa u muuqata mid dib u dhac wajahaysa maadaama Maamul goboleedyada Galmug iyo K/galbeed ka dib dhacday doorashada xubno badan oo aqalka hoose ah.

Sidoo kale maamulka Hir Shabeelle ayaanan weli dooran wax xildhibaanno ah, iyada oo 16 ka November shaxda ugu horreysa ee doorasahda 13 ka xildhibaan ay tahay.

Fiidoow Media