Al Shabaab oo Ugaarsiga Duur Joogta uga digay Shacabka Jubbooyinka

0
35

January 9, 2016, Kismaayo(FMN)–Gudoomiyaha Al Shabaab ee Jubbada Dhexe Sheekh Abuu Cabdalla ayaa ka sheegay Radio Andalus oo ku hadla afka xarakada in ay ciqaab adag marinayaan dadka ugaarsada duur joogta.

Waa markii 1-aad ee ay digniin sidan oo kale ah ka soo yeerto Xarakda Al Shabaab, oo gacanta ku haya degmooyin kamid ah dhulka maamulka Jubbaland.

Sheekh Abuu Cabdalla, ma sheegin nuuca ciqaabta ay mudanayaan ciddii falkaas lagu qabto, sidoo kale nuucyo gaar ah ma uusan xusin.

Fiidoow Media