AMISOM oo ku toogatay 2 Wiil oo walaalo ah duleedka Baraawe

0
90

January 6, 2016, Baraawe(FMN)–Sida ay xaqiijisay Xildhibaanad Ruqiya Xasan Nuur oo ka tirsan xildhibaannada Maamulka Koofur Galbeed waxaa ay ciidamo AMISOM ah oo ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday Degmada Baraawe ay toogteen laba wiil oo wada dhashay.

C/raxmaan Xasan oo 17 sano jir ah iyo Cabdi Xasan oo 15 jir ahaa ayaa ay ciidanka AMISOM toogteen, xilli aysan wax dagaal ah socon ama jirin qarax iyo dhib loo geystay Kolonyadooda, waxa ayna si bareer ah ugu toogteen bannaanka magaalada Baraawe.

Gabood fallo tiro beel ah ayay AMISOM ka geystay Gobolka Shabeellaha Hoose, welina majirto Dawladda Federaalka am Koofur Galbeed oo la xisaabtamaysa AMISOM sababaha ka danbeeya xadgudubyadan.

Fiidoow Media