Askari Maraykan shaqada ka fariistay oo garoonka Fort Lauderdale ku toogtay 5 qof

0
160

January 6, 2016, Muqdisho(FMN)–Mar qura ah ayay toogasho ka dhex bilaabantay garoon diyaaradeed ku yaala maraykanka, waxaana ku dhintay 5 ruux, dhaawacya badanna waa ay a dhasheen.

Estaban Santiago, da’diisuna tahay 26 sano, ayaa gaystay toogashadan ka dhacday garoonka Fort Lauderdale, askarigan ayaa horay uga soo shaqeeyay dalka Ciraaq, waxa uuna ka fariistay shaqada sanadkii tagay.

Ninkan ayaa xilligii uu dadka tooganayay aamusnaa oo aan wax erey ah afkiisa kasoo bixin, waxaana la qabtay kadib markii uu isku dayay inuu baxsado.

Gudoomiyaha ammaanka ee halkaasina waxa uu isna dhankiisa sheegay in ninkani uu ahaa rakaab gudaha la galay qorigii uu watay, isagoo qoriga kusoo cabeystay musqusha.

Toogashooyinka ayaa marar badan ka dhaca dalka maraykanka, waxaana jira in ay xilliyada qaar gaystaan askar ka tirsan Militariga maraykanka, kuwaas oo ka carooda falal ay dawladdu gaysato, ama uu haleelo xanuun madaxa ah.