BALADWEYN: Maqaayad lala eegtay Qarax Miino

0
74

January 11, 2016, Baladweyn(FMN)–Wararka aan ka heleyno xarun goboleedka Hiiraan ee Baladweyn waxay sheegayaan in abbaare sagaalkii fiidnimo iyo qaddar soddon daqiiqo ah mar qura laga maqlay magaalada qarax ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Nuur Xawaad.

1 qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku nafwaayay qaraxa, tiro dad ah oo isugu jura skar iyo Shacab ayaa ku dhaawacmay.

Cidda ka dambaysa lama oga, koox sheegatayna ma jirto, sidoo kale laamaha ammaanka ee Hirshabeelle iyo kuwa Baladweyne ma aysan ka warbixin sida ay wax u dhaceen.

Fiidoow Media