Dhambaal ku socda Musharrixiinta. W/Q:-Sumaya Nor

0
467

Subax walbo waxaa noo berya waa cusub  noloshaba ma is taagto wax walbo dhaca.

Waxas joogta ah caadiyan

Is bed bedello.

Is bed bedeladaas midka ugu saamaynta badan waa midka siyaasadeed o afartii sanaba Mar is bedala.

Hada o aan Wada sugayno isbadal cusub, waxan doonayaa inaan dar daaran hawada u mariyo musharixiinta u taagan xilka ugu sareeyo e dalka.

MUDANE musharaxa sharafaa lahow waxaan kaga mahadcelinayaa inaad u soo bareertay xilkan aad ka u culus , aad ka u dhibaatada badan, iyo waajibaadka xoogan e aad dusha iska saartay iyo samata bixinta umadan waayada faraha badan ay dagaalada hareeyeen.

Mundane maalinta qudbaha la dhagaysanayo waxaad ballan qaadi doonta wax horumaro iyo waxyabo fara badan o umadaada anfici doona, markaas ayada ah o hubin inaad noqon doonto midka ku gulaysanaya xilkan.

Hadii aad ku so baxdo o aad noqoto madaxwaynaheena, waxan ka codsan lahaa inad fursad siiso musharixiintii kale e qaaday ballamaha adigo ku tageeraya wax ay U baahdaan si ay u fuliyaan fikirda iyo hormaradii ka guuxayey dhexdooda kuwaaso anfici doona samatabixna doona dalka iyo dadka hadii aad Wada shaqaysaan.

MUDANE musharaxa sharafta lahaw hadii adan ku gulaysan xilkii aad doonayse , adigo ballama badan qaday xiligii qudbadaada waxan ka codsanayaa, inaadan dalka dibada uga bixin o adan u laaban halkii aad markii hore ka timid adigo raadinaya jagadan.

Ku caawi firadahaaga aqoonta qibradaada iyo waaya aragnimadaa musharaxii gulaysatay.

Musharaxaas kaliya ma guulaysan doono, dowladaas u madaxda ka yahay kaliya ma guulaysan doonto, ee waxaa gulaysan doono fikradaadii iyo hurumarkii aad shacabkaga la rabtay,  Waxaa guulaysan doono umadii aad horumarka la rabtay, waxa gulaysan doonta dowlda xiligaas dhisan, adna beri markaad gulaysato sidaas ayaa laguu garab istaagi donaa.

Muhiimada iyo hadafkagu madama ay ahayd guusha, horumarka, horu-socodka iyo isbedel qurux badan inad araggto,  musharixiinta uusan waqtiga ogolaan inay guulaystaan ha garab istagaan musharaxii gulaysatay, si ay uwada garaan hurumarkii iyo wanaagii ay la donayeen umadooda iyo wadankooda.

Si aan Anaga U helno horumarkaas.

Gacma Wada jir bay wax ku gooyaan.
Iskaashatana ma kufto.

Mahadsanidiin.

Sumaya Nor Abdi