Jawaari oo ku guulaystay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
66

January 11, 2016, Muqdisho(FMN)–Doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo xiiso gaar ah lahayd ayuu ku adkaaday Gudoomiyahii baarlamaanka 9-aad Mudane Maxamad Sh Cusmaan Jawaari oo ka badiyay 3 Musharrax.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka oo ay ku tartameen afar musharax ayaa waxaa xildhibaan C/shiid Xiddig uu helay codad gaaraya 97 cod, musharax xildhibaan C/fataax Geesey oo helay 17 cod iyo Idiris Dhakhtar oo helay 2 cod halka ay 2 codna xumaatay, guud ahaan waxaa codeysay 259 xildhibaan oo ka mid ah 275 xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xildhibaan C/Rashiid Xidig ayaa u hambalyeeyay gudoomiyaha la doortay ee Jawaari, isaga oo wada shaqayn iyo isbadal soo jeediyay.

FIIDOOW MEDIA