Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Mooshinka laga keenay

0
122

January 9, 2016, Cadaado(FMN)–Shalay ayay ahayd markii Baarlamaanka Galmudug ay mooshin ka dhan ah C/Kariim Guuleed saxiixeen, iyaga oo ka caraysan warqad uu shaqada maamulka ku hakiyay.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay ka laabtaan mooshinka cusub, wuxuuna sheegay in xiligan aysan haboobeyn in mooshin laga soo gudbiyaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marxalado adag ay ka jiraan deegaanada maamulka Galmudug, kuwaasi oo u baahan in wax laga qabto.