MAHADSANID MADAXWEYNE! W/Q:- Sumaya Nor Abdi

0
477

MAHADSANID waligeed dhib ma keento.

Waxa wax aad loola yaaba ah, inan dhalaceyno, habaarno, aflagaadayno o aan waliba nacayb U muujino madax Wayne walba  o u dhamaado mudadii xilkiisa, anagoo ka tagayno, xaqirayna sheegida wax walbo wanaag ahaa e uu no sameyey.

Ma xuma inaad qaladaadkiisa sheegno, laakiin qaab nocee ah ayan ugu sheegaynaa?

Ma waxaan ku so qoraa bartayda Social media-yaha, ” waraaabow waqtigaagii wuu dhamaday”, “Qiyaano qaran baad samayse waad na dhacday O waad na xaday”, “kuma rabno waan ku nacnay”, iyo ereyo kuwaa la macna ah.

Maya, Nagama mudna mid walbo inan sidaa dhahno iyo si u dhow toona.

Si asluubaysan, cilmiyeysan, oo uu ixtiraam ku jiro adigo is raacinaya wanagiisa iyo dhaliisha aad u qabto so xariiq, Dhaliishaduna hanoqoto mid wax dhisaysa yeysan wax dumin.

Waxan mahad ballaaran u celinayaa dhamaan madaxdii dalka so maray iyo shaqaalihii la shaqaynaye madaxdaas.

Waad ku mahadsan tihiin waqtigiina, naftiina iyo maskaxdiina sida aad ugu bixiisan O aad ugu shaqayseen qarankan aan maanta ku faanayo, o hadii aydaan intaad iso hurteen aanan maanta ku fanaanen inan ahay somali leh dawlad iyo calan shaqeeya.

Si walbo ha ahaatee, “Wax walbo aad saxdeen xagg rabbi ayey ka ahaadeen, Wax walbo aad qaldewna xagg Naf iyo xagg Shaydaan”.

Waxanmahad ballaaran u dirayaa sido kale madaxwaynaheena hada ka si dagaya xilka.

MUDANE waad dadaashay, guulo badana waad gaartay, horey u soco, wax walbo aad saxday waan kaga mahadcelinaynaa, wax walbo aad qaladayna waan ka cafinay.

Hadii aad so laabato waxan rajaynayaa inaad saxi doonto, hadii aadan so laban aad la shaqayn doonto Mudanaha ku badali doona.

MAHADSANID MUDANE MADAX-WAYNE.

Gunaanadkii:

Walalayaal aan barano o aan dhexdeeda ku faafino “ka mahad celinta wanaagyada naloo sameeye/falay”.

Ma jirto cid aan wax qaldin, se Mar walbo qaladaadka waxa ka badan wanaaga.

MAHADSANIID.

Sumaya Nor Abdi