Musharixiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbadahooda jeediyay

0
147

January 8, 2016, Muqdisho(FMN)–Sabtidan maanta ah, ayay qudbad jeedin ka hor sameeyeen xubnaha baarlamaanka musharixiin 4 ah oo u taagan qabashada gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu horayn ayaa waxaa hadlay Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) wuxuuna ka warbixiyay waxyaabaha u qorshaysan, asaga oo tilmaamay inuu diirada koowaad saari doono in baarlamaanka 10-aad dalka uu u horseedo isbadal iyo in sidoo kale uusan qaadan doonin go’aano u gaar ah oo aysan la qabin xubnaha golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo asna ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu ka hadlay aqoonka uu u leeyahay golaha shacabka iyo sida uu u hogaamin karo maadaama uu mudo badan ka soo tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna balan qaaday hadii xilka loo doorto inuu si daacad ah ugu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar ayaa asna qaatay markiisa hadal jeedinta wuxuuna sheegay in dalku uu u baahanyahay hogaan daacad ah, taasina ay tahay sababta uu u qaatay go’aanka ah inuu isku soo sharaxo xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu danbayntii Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ah guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa sheegay inuu ka codsanayo xildhibaanada inay u tixgaliyaan aqoonta iyo qibrada uu u leeyahay maamulka baarlamaanka maadaama uu soo maamulayay afartii sano ee ugu danbaysay.

Fiidoow Media