Shirwaynaha Dhaqaalaha Islaamka ee Bariga Afrika oo Nairobi ku qabsoomaya

0
104

January 5, 2016, Nairobi(FMN)–Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya  ayaa lagu wadaa in 11-12 ka bisha Abril ee Sanadkan lagu qabto Shirweynaha 2-aad dhqaalaha Islaamka ee Barga Afrika ,kaasoo looga hadlayo sidii dawladaha Bariga Afrika ay uga faa’iideynsan lahaayeen Suuq Dhaqaale xor ah ee Islaamka.

Shirweynahan ayaa la sheegay inay ka qeyb galayaan khubaro dhaqaale yahano ah, hay’addo arrimaha dhaqaalaha ku lug leh iyo  Xeel dheerayaal  ku takhasusay arrimaha dhaqaalaha Islaamka, waxaana la sheegay in ujeedka ugu weyn ee Shirweynahaan uu yahay  sidii wadmad Bariga Afrika loogu abuuri lahaa  siyaasad mideysn ee ku qotanta xagga horumarinta Dhaqaalaha iyo Waliba Suuq Caalami ah oo ay wadagaan wadamadan, taa oo ka tarjumaysa baahida dadwyowga ku nool.

Sidoo kale Shir Shirweynaha 2-aad dhaqaalaha Islaamka ee Barga Afrika oo la filayo inuu ka dhaco magaalada Nairobi, waxaa kaloo lagu qadaa dhigayaa qeybta horumarinta Dalxiiska iyo sidii mandiqadan dadyowga ku nool ay uga faa’iideysan lahaayeen xiligan, iyadoo koritaanka dalxiiska ee wadmadan lagu qiyaasay 219 bilyan oo Dollar Sandkiiba.

Dhanka  kale tirakoob ay sameeyeen khubaro ku xeel dheer arrimha Dhaqaalaha ee hay’adda Iskaashiga Islaamka ayaa lagu qiyaasay kharashaadka ay Cuntada ku bixiyeen Dowladdaha dhaca  Waqooyiga Saharaha Afrika Sanadkii 2013 kii, inay gaarayso lacag dhan 114 bilyan oo dollar.