Ururka Iskaashiga Islaamka oo lacago deeq ah ka helay Dowladda Turkiga

0
132

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay  inay Dowladiisu iyadoo fulinaysa ballanqaad hore ay Ururka iskaashiga Caalamka Islaamka ugu deeqday lacag dhan 1.8 milyan oo Dollar.

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka  Dr. Yuusuf Bin Xamad Al-Osamayn ayaa sheegay in lacagtaasi deeqada ah  ay soo gaartay Ururkooda,wuxuuna isagoo ku hadlaya magaca  Ururka iyo kiisba mahadcelin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan,kaalmadaasi lacageed ee wax ku oolka ah ee uu u fidiyay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Turkiga oo hadda shir guddomiye ka ah wareegga shirweynaha Ururka iskaashiga Islamka ayaa sidoo kale waxay $ 100 kun ugu deqday Saanduuqa isbaheysiga Islaamka, sidoo kale waxay  lacag dhan $ 100 kun oo  kaalmo ah siisay hay’adda  joogtada ah ee madaxbanaan una dooda xuquul Insaanka.

Sida laga warqabo Xukuumadda Turkiga ayaa Sanadkii 2007dii waxa ay ku kabtay Miisaaniyadda Ururka Iskaashiga Islaamka lacag dhan $ 1.5 milyan, halka Sanadkii 2005 tiina hal Milyan oo Dollar oo kale ay siisay isla Ururkaasi.