Shacabku way wada riyaaqeen oo way wada raxleeyeen. W/Q:- Zakaria Ahmed Nor

0
327

Waxaa cirka isku shareeray damaashaadyada iyo farxada bulshawaynta soomaamaaliyeed ee daafaha dunida kukala daadsan iyo kuwa wadanka gudihiisa jooga,gobolkasta ilaa dagmo kasta kadib markii doorashadii madaxtinimada dalka uu ku guulaystay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taasi oo ay keentay dadaalo badan iyo is itaalsi badan oo ka yimid indheergaradka, waxgalka, hanaqa, iyo culimada soomaaliyeed, oo dhamaantood u istaagay sidii wax cadaalad ah loo tusi lahaa shacabka soomaaliyeed ee mudada 26 sano ah haraadka iyo diifta colaada iyo gujada shisheeyuhu isugu biireen.
misana laliicay siyaasiyiintooda markay kursiga gaaraan oo gacanta ku dhigaan aad moodo nin dukaan ladhahay kadukaamayso adaa iska leh kaligaaye, si taasi looga majiirtaana garbaha isqabsaday oo hiil dhinacwalba ah muujiyay ayagoo qabiilo kaladuwan iyo dano kaladauwan lahaa ayay midaysan ama ay damaqday oo ay dareemeen in meel kaliya waranku uga dhaganyahay soomaali dhamaanteed taasna ubaahantahay in horta danaha kale dhamaan dhulka ladhigo oo layska gooyo waranka ku mudnaa 26 sano, misana tacbaaniyay ee udhaweeyay inay dhulka udhacdo.
Hadaba sidaan kor kusoo xusnay guusha Farmaajo waa mid dad badan guntiga dhiisha isaga dhigeen cududna umuujiyeen cadawga ama dugaaga haflaynaya hashii maandeeq dhulka ugu dhacday, arinkaas oo lagu tilmaamikaro raga kasheqeeyay kahirayaasha qarniga hash waraabaha, ayakoo isticmaalay tab iyo xeeladkasta oo loo badbaadin karo qarannimadii Soomaaliyeed ee libaaxyadu hanadada jareen.
Marka isku soo xooriyo guushaa waxaa lagu tilmaamikaraa dunni dadan ama qafis ama bokos,yar oo adag gudahana malab uga jiro, dadkuna ay rabaan in ay malabkaa muudsadaan oo ay noqdaan sidii ay ahaanjireen 26sano kahor oo shaqsiga Soomaaliga ahi dunnidan sharafwayn uu kulahaa lkn hada magacyo ayaa xunxun loogu yeeraa, hada qafiskaa yar daloolyar ayaa laga sameeyay, taasna micneheedu waa doorashadii farmaajo lkn intii ugu adkayd iyo badankiisiiba waa hareen ayaa lagusifayn karaa, marka sidee looga takhalusi karaa qolofkaa adag ee ku wali kudul xayndaaban in malabka gunta lagaaro oo lamuudsado Soomaali oo dhan wada dhadhamiso malabkaa.
Marka arintaasi waxay ubaahantahay in riyaaqa hada loo muujiyay Farmaajo ay ahaato mid xidada loo aaso oo aan haba yaraatee la loodinkarin si guushu mira dhasho, dhanka kale madaxwaynaha asaguna waa in uu xajistaa doonista shacabka waayo waa dadkii keenay in uu kursiga kufariisto oo uu kareeyo 26sano wax soo taxna oo aan  marna sidhibyar lagu gaareen,waxana haboon oo guushaa siiwaarinkarta in dawlada laga qaybgaliyo dadkii sida gaarka ugu guntaday kabixida hanaankii naafaysnaa ee soomaalida soo daashaday dariiqacadna mariyay, oo naftooda u huray waxan dhihi karnaa garab kamida garbaha ugu muhiimsan oo dawlad iyo dad lagu aamino karo, waa dad aan khayaano rabin.


Xaquuqda Qoraalk, masuuliyaddiisa iyo mudnaantiisa waxaa leh Qoraha ku suntan.