Sarkaal Nabadsugid ah oo Muqdisho lagu dilay

0
322

April 27, 2017, Muqdisho(FMN)–Agagaarka Isgoyska maana booliyo ee Degmada Boondheere waxaa lagu toogtay Sarkaal ka tirsnaaa Hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay lagu magacaabo Maxamuud Xaaji Cali Cumar oo si weyn looga yaqaano Xaafada Maana-booliyo, waxaa uu ahaa Jeneraal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida.

Sarkaalkan ayaa la sheegayaa in lagu hor-dilay meel u dhow gurigiisa oo uu fadhiyay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, iyagoo xir xiray dad ka ag dhowaa halka dilka uu ka dhacay.