Agaasimaha FBI da Maraykanka oo Shaqadii laga eryay

0
296

May 10, 2017, Washington(FMN)–

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa xalay shaqada ka eryay James Comey, oo ahaa agaasimihii hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI loo soo gaabiyo. Waxa uu ku eedeyey in uusan awood u laheyn in uu hay’addaasi hoggaamiyo.

James Comey, ayaaa waxa uu baarayay wararka la xiriira suurta-gal-nimada in Ruushku uu xiriir la yeeshay xubno ka mid ahaa ololahihii doorashada ee Trump.

Comey, oo afar sano ka hor uu magacaabay madaxweyne Obama, ayaa inta uu xafiiska joogay tallaabooyin qaar ee uu qaaday waxay ka ceyrisay labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga intuba. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa warbixintan nooga diyaariyay arrintaasi.