Kuuriyada waqooyi o gantaalkii 3-aad tijaabisay

0
279

May 21, 2017, Muqdisho(FMN)–Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa horey u sheegay inuusan u dulqaadan doonin tijaabada gantaalada oo ay Kuuriyada Waqooyi wado, isla markaana uu tilaabo qaadi doono. Tijaabadan ayaa ah tii labaad muddo asbuuc gudaheed ah.

Xukuumada Kuuriyada Waqooyi ayaa arrintaasi uga jawaabtay inay dar dar sii gelisay hawlaheeda sameynta gantaalada iyo tijaabooyinka hubkooda oo ay sii wadaan.

Gantaalkii shalay ayaa ahaa mid ridada dhexe isla markaana la tuhunsan yahay inuu xambaari karo bambaanada Nukliyeerka.

Waxaana tijaabadan lagu soo beegay xili Trump uu safarkusii ugu horeysay ku tagay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga oo uu shalay kula kulmay hogaamiyayaasha qaar kamid ah dalalka Islaamka.