Macron oo ku guulaystay Doorashada Madaxweynanimada Faransiiska

0
314

May 7, 2017, Paris(FMN)–Emmanuel Macron ayaa noqonaya madaxweynahii ugu da’da yaraa abid ee soo mara Faransa, waxa uu ka adkaaday oo doorashada kula tartamayay Li Pen oo garabka midig ee mayalka adag ka soo jeedda.

Boqoliiba 66% ayaa uu ku guulaystay sida natiijada hordhaca ah warinayso, Macron siyaasadda waxa uu ku soo biiray 3 sannadood ka hor markaas oo loo magacaabay Wasiirkii Dhaqaalaha, isaga oo iska casilay xili kadib markii uu ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa.

Haweenayda xagjirka ah ee la tartamaysay ayaa hadal kooban oo ay jeedisay ugu hambalyaysay Madaxwaynaha guulaystay, iyada oo xustay in France aysan dooran isbadal.

Fiidoow Media