Maxamad Cabdi Waare oo hogaaminaya Doorashada Hirshabeelle

0
84

September 16, 2017, Jowhar(FMN)–Waxaa dhammaaday wareegga 1-aad ee Doorashada Hirshabeelle, iyada oo 8 Musharrax ay ku baratamayeen doorashada, dhammaan Musharrixiinta waa dad ka soo jeeda 1 beel.

Musharrax Maxamad Cabdi Waare oo helay 44 cod wareegga 1-aad ayaa ah mudanaha ugu codka badan, waxaana xiga Musharrax Dahir cabdulle oo isna helay 20 Cod.

18 Xildhibaan oo ka mid ah 97 Xildhibaan ee codeynaysa, ayaa qalday habka codaynta.

SHIRWAC iyo LAQANYO oo 6 iyo 6 cod kala heystay ayaa Tanaasulay si wareegga 2-aad ay ugu tartamaan Mohammed Abdi Ware iyo Dahir Cawaale.