Safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz oo is casilay

0
86

October 6, 2017, Muqdisho(FMN)–Safiirkii Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa is casilayo, sida ay xaqiijisay Safaaradda Mareykanka.

Warar lagu qoray baraha Twitterka ayaa lagu sheegay nuu is casilay Mr Schwartz, waxaana is casilaadiisa lagu sababeeyay sababo shaqsiyeed.

Safaarada Maraykanka ee dalka Kenya ayaa xaqiijisay is casilaada safiirka dowlada Maraykanka ee dalka Soomaaliya. Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay si gaar ah uga caawisaa dowlada Soomaaliya dhismaha ciidamada iyo dhismaha dowlad goboleedyada dalka.

Iscasilaada safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli khilaaf uu ka dhex jiro dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka.