SYC oo Talo Wadaag iyo Warbixin ku aaddan Maxaabiista Da’da yar kusoo bandhigay Muqdisho

0
103

October 7, 2017, Muqdisho(FMN)–Kulan ka mid ah madasha Dhugaal Forum oo ah barnaaamij bille ah oo isutagga Ururrada Dhallinyarada ee SYC-Somali Youth Cluster qabto, ayaa Bulshada rayidka ah iyo DFS lagula wadaagay xaaladda Maxaabiista da’da yar ee Xabsiga dhexe ee Xamar.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka  Dr Axmed Cali Dahir, Wasiirka Dhallinyarada Xildhibaan Khadija Diriye, Guoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida G/sare Shuute Xildhibaanno, iyo ururrada Bulshada rayidka ayaa kasoo qaybgalay kulanwaynaha Dhugal Forum ee bishan.

Muna Xasan-Axlaa, oo ah gudoomiyaha SYC ayaa wadaajisay kasoo qaybgalayaasha xog ururinta ay ka sameeyeen Xabsiga dhexe ee Xamar, taas oo diiradda saareysay dhallinyarada u dhaxaysa 18-35 jir ee ku xukam falal dambiyeeyo kala geddisan.

”Dhac,  Kufsi iyo falalka la xiriira Argagixisada ayaa ah kuwa ugu badan ee ay u xiranyihiin dhallinyarada xukuman ee kujurta xabsiga dhexe ee Muqdisho,tira ahanna ku dhaw 2,000” sidaas waxaa yiri Muna Axlaa oo warbixinta la wadaagtay Bulshada.

Dhanka kale waxaa Talo wadaagga ka qayb ahaa Xildhibaan Aamina,oo ah Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Arr.Bulshada Bbaarlamaanka, Xildhibaan Maxamuu Abukate iyo Xildhibaan Dahir Amin Jeesoow oo intuba falanqeeyay doorka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku aaddan xal u helidda yaraynta fal dambiyeedyada ay gaystaan dhallinyarada.

Wasiir Khadiija Diiriye, ayaa ku dheeraatay hannaanka Siyaasadda Qaran ee Youth Policy ga uu uga jawaabayo waydiimaha ay soo bandhigtay warbixinta xog ururintii SYC, iyada oo ballanqaadday in Wasaaraddu ka go’antahay u doodidda xaquuqda aadanaha, iyo ka faa’idaysiga awoodaha dhallinyarada.

G//Sare Shuute, ayaa bulshada la wadaagay, in fal dambiyeedyada la xiriira Al Shabaabnimada ay hoos u dhaceen wixii ka dambeeyay 2014, isaga oo muujiyay rejo badan iyo isbaddal horukac leh.

Ugu danbayn Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Dr Axmed Cali Daahir ayaa soo jeediyay waxqabadka xafiiskiisa ee sanadihii tagay, iyo hannaanka Garsoorka dalka sida uu u sameeyay horumarro, waxaa kale oo uu ku dheeraaday isbadalka kajira xabsiga dhexe ee Xamar.